TAARIIKHDA KOOXDA
SHIBIS EE TORONTO
Cabdalla Saalax (Faaris) Iyo Anwar Taabit
Kooxda Shibis waxaa la aas'aasay sannadkii
2002. Iyadoo ay firkradeedi si wadjir ah ay u lahayeen Maxamed
Busuri, Anwar Taabit, Cabdalla Saalax (Faaris) iyo Cabdirabe
Saalax. Cayaartooydii lagu aas'aasaya waxaa ka mid ah: Xassan
Ciise, Maxamed Shariif, Yusuf Shaqaaq, Xuseen Faragaab, Maxamuud
Cabdalla, Yasiin, Anwar, Faaris, Busuri, Cabdirabe, Bashi
Cali Baashi, Faarax Oday, Axmed Hireed, Cabdullahi Yusuf ,
Cali Bakri iyo qaar kale.
Sida ka muuqata magacyada kooxdan waxey
u badnayeen cayaartooy cuslaatay. Haddaba sannadkii 2003 ayaa
kooxda dib u habeen lagu sameeyay iyadoo ay ku soo biireeen
cayaartooy da' yar kuwaasi oo ay ka midka ahayeen: Cali Bashi
iyo walaalkiisa Cabdisamad oo loo doortay kabtanka kooxda
ee sannadkaas, Dhagey, Xuseen Diini, iyo kuwo waayo arag ah
sida: Yuusuf dheere iyo Nuuraye. Iyada oo ay tababareyaal
u ahayeen Cabdi dheere iyo Yusuf Shaqaaq.
Haddana sannadkan 2004 ayaa waxaa kooxda
ku soo biiray dhowr cayaartooy oo da' yar mustaqbal fiicanna
ku leh cayaaraha kuwaasi oo ay ka midka yihiin: Xamza, Rooble,
Libaan iyo Muumin. Xassan Ciise iyo Maxamed Shariif ayaa iyaguna
dib ugu soo laabtay kooxda kadib markii ay sannadkii 2003
kooxo kale u ciyareen.
Ugu dambayn maamulka kooxda Shibis
wuxuu mahad u celinayaa dhamaan dadkii gacanta ka geestay
aas'aasida kooxda iyo guushi ay soo hooysay.
XUSUUSIN: Sida ugu dhaqsaha badan ayaa
idinkugu soo gudbin doonaa dhamaan sawirka cayaartooyda oo
dhan.