Habeenimadii xalayto oo taariikhdu ay ku beegnayd 04/10/2012, waxaa makhaayadda Safari Restauranti isugu yimid bahweynta isboortiga noocyadiisa kala duwan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, iyaga oo halkaasi baroordiiq iyo duco ugu sameeyay halgamayaashii isboortiga ee dhawaantan ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xaruntii golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xaflad lagu maamusayay sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay aasaaskii talifishinka qaranka Soomaaliyeed. ugu horrayntii waxaa halkaasi ka hadlay qabanqaabiyayaashii barnaamijka oo iyagu ka socday ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (SYDOM) iyo naadiga horumarinta kubadda cagta oo ururku leeyahay oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SAYEC, kuwaasi oo aan ka xusi karno: C/qaadir "Shiikha", Axmed Daahir, Macallin Idiris, C/risaaq "Marshaale" C/raxmaan "AAmaan", Maxamoud Isse, C/qaadir "Madaxey",C/qaadir "Nuune", Abuukar Hiraabe"Bakar",Cabdulqaadir Daahir, Gani Xasan. Fartuun Nuur, Nimco Kenyaati, iyo Xaawo Hiiraan, waxaana qabanqaabiyayaasha ay isugu jireen halgamayaashii isboortiga oo gabdho iyo wiilal isugu jiray kuwaasi oo ahaa macallimiintii iyo cayaartooydii qaranka iyo naadiyada heerka koowaad ee dalkeenii Soomaaliya barisamaadka, waxaana ay halkaasi ka soo jeediyeen tacsi ay u dirayaan qoysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee guddoomiyihii guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Mudane Aadan Xaaji Yaberow"Wiish", Guddoomiyihii XSKC Mudane Saciid Maxamed Nuur "Saciid Mugaambe", Garsoorihii caalamiga ahaa ee FIFA iyo xildhibaan DFKMG mudane Mowliid Macaane iyo Faysal Xaaji Cilmi oo ahaa la taliyihii raisullwasaaraha DFKMG. Maxamed Aadan Jeelle oo ka mid ahaa garsoorayaashii Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga,kana tirsanaa qabanqaabiyayaasha xafladda iyo halgamaa isboorti tababare/garsoore Maxamed Xasan Qolof iyo halgamaa isboorti Cabdi Yuusuf ayaa si aad ah uga sheekeeyay taariikhahooda marxuumiinta, iyaga oo waxqabadkoodii isboortiga ka soo bilaabay xilligii ay ku soo biireen garoomada ciyaaraha iyo waqtigan la joogo. Waxaa ay ku tilmaameen in isboortiga Soomaaliyeed ay la soo daristay maalmo murugo ah oo xanuun iyo tiiraanyo leh. Mudane Jeelle, Qolof iyo Cabdi Yuusuf ayaa iyagu xilliyo kala duwan la soo shaqeeyay marxuumiintaasi, qaarkoodna ay garoomada cayaaraha ku kulmeen,qaarna dhinaca maamulka isboortiga...waxaana ay Eebe uga baryeen in marxuumiintaasi ilaahay jannadii ka waraabiyo, qaraabadii iyo qoysaskii ay ka baxeena samir iyo iimaan naga wada siiyo. Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin ayaa isagu u mahadceliyay dhammaanba dadkii soo ajiibay xafladdan baroordiiqda iyo ducada isugu jirta oo loo samaynayo dadkii indhaha u ahaa isboortiga Soomaaliyeed ee geeridu haleeshay, gacan ka gardarana ay dishay. dabadeedna waxaa uu sheegay in isboortigu uu waayay halyeeyo qaran oo wax badan ka qabtay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed muddadii ay jirtay dawladdii Dhexe iyo burburkii dalka ku dhacay ka dib. Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in burburkii dawladda Soomaaliyeed ka dib isboortigu uu ahaa hay'adda kaliya ee jirtay ee laga daawanayayay shaashadaha adduunka oo idil, iyadoo uu calanka Soomaaliyeed ka muuqday fagaarayaasha caalamku isugu yimaado, hoggaankaasina ay wadeen raggan marxuumiinta ee iyagu ku geeriyooday falkaasi naxariisdarada ahaa..Waxaana oran lahaa taariikhda Soomaaliyeed baal dahab ah ayay ka gali doonaan dhammaantoodba, waxaana ugu ducaynaynaa ummadda Soomaaliyeed guud ahaanba iyo bahdii isboortiga intaba in Allah u naxariisto, kuwii dhaawacyadu ay soo gaareena waxaan uga baryaynaa in Allah u keeno caafimaad degdeg ah. Abdirahman Mukhtaar oo ka mid ah hoggaamiyayaasha dhallinyarada ee gobolka Minnesota, waxna ku lahaa qabanqaabada barnaamijka baroordiiqda ee isboortiga ayaa isaguna shucuurtiisa iyo sida uu uga danqanayo geerida marxuumiintaasi halkaasi ka muujiyay , una duceeyay marxuumiinta. Dabadeed waxaa halkaasi ka hadlay rag iyo dumar faro badan oo isugu jiray culimo halkaasi ka soo jeedisay waanooyin Diini ahaa,qaar ka tirsanaa ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed,Jaaliyadaha Soomaalida ee gobolka Minnesota , Abwaaniinta ,ururada haweenka ,fannaaniinta,Taageerayaasha isboortiga , Ururada bulshada, dhallinyaro ka socotay magaalada Rochester, iyo Saxaafadda, waxaana giddigoodaba ay ka hadleen isboortiga iyo aqoonta gaarka ah oo ay u lahaayeen marxuumiinta geeriyootay, waxaana Ay Allah uga baryeen in qabrigooda u waasaciyo, kuwa dhaawaca ahna ilaahay caafimaad u keeno. Waxaa iyaguna baroordiiqdaasi goob joog ka ahaa oo halkaasi ka soo jeediyay erayo qiiro lahaa ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho Mudane Cali Axmed Guure , sidoo kalena waxaa khadka talefoonka uga soo qaybgalay xildhibaan Muxidiin Gaarane oo wakiil ka ahaa madaxweynaha DFKM iyo raiisalwasaarihii hore DFKMG Mudane Maxamed Cabdullahi "Farmaajo" oo iyaguna halkaasi ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuumiintaasi qiimaha iyo sharafta ku lahaa ummada soomaaliyeed guud ahaanteedaba iyo bahda isboortiga intaba. Ugu dambayntii shiikh culusow ayaa xafladda ku soo xiray aayado quraan iyo ducooyin loo jeediyay marxuumiinta.N:B: Waxaa xusid mudan in tacsida baroordiiqda ay nagala soo qaybgashay gabar la dhalatay guddoomiyihii XSKC. Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Diyaariye: Shiikha
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|