Kooxda TMT Ohio ayaa ku guuleysatay koobkii TODAY Somali Week Toronto 2015. Ciyaartii finalka ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Banadir iyo TMT Ohio. Ciyaartani oo aad u xiiso badnayd ayaa labada kooxood soo bandhigay ciyaar wanaagsan. Goolkii ugu horeeyay waxaa ku hormatay kooxda Banadir.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay Banadir oo 1-0 ku hogaaminesay, iyadoo weliba TMT Ohio Kaarka Cas(Red Card) laga siiya ciyartooyga ugu ciyaara daafaca.
Ohio inkastoo laga tiro badnaa haddana qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxay garoonka la soo galeen weerar aan kala go' lahayn oo ay ku qadeen goolka Banadir, iyagoo 3 gool oo daran doori ah halkaasi ka dhaliyay.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii ay wax xogaa socotay ayaa ciyaartooyga Banadir u sita lambarka 9aad isagana dibada loo saaray kadib markii la siiyay Red Card. Gaba gabadii ciyaarta ayaa guusha waxay raacday TMT Ohio iyagoo koobkii halkaasi uu ku guddoonsiiyey Guddoomiyaha Baarlamannka Somalia Mudane Jawaari.
MVP waxaa ku guuleystay Omar oo weerarka ugu ciyaara kooxda TMT Ohio, isagoo caan ku aha lambarka 18aad. Koobkii kaalinta 2aad waxaa kabtanka Banadir guddoonsiiyay Hussein Deeq. Maqaalkani
oo maqal iyo muuuqaal ah iyo dhamaan sawiradii filo goor dhow. |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|