Ururweynaha SEUKI oo ah urur Sport oo ka dhisan magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa maanta soo gabagabeeyey shirweynihii qorituurka sanadkan 2009 iyadoo shirkuna uu socday 2 maalmood. Shirkan oo qeybtiisi koowaad ay dhacday shalay oo bishu aheeyd 24 April kuna saabsanaa ansaxinta sharciga ayaa qeeybtiisii labaad ay aheeyd xafladda qorituurka waxeeyna dhacday maanta oo ay bishu aheeyd 25 April iyadoo ka dhacday Restraung Möllen oo ku taal xaafadda Rinkeby. Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horeeyntii furay guddoomiyaha ururweynaha SEUKI Mudane Cabdiraxmaan Sheegoow oo loo yaqaan Shuute isagoo xafladaa si weyn u soo dhaweeyey dhamaan masuuliyiinti ka soctay kooxaha iyo waliba marti sharaftii lagu soo casuumay xafladdan wuxuuna guddoomiyuhu si gaar ah u soo dhaweeyey Jonny Lindh oo ah madaxa Poliska xaafadaha Järva iyo xoghayaha GOS mudane Cabdulaahi Taranbi iyo guddoomiyaha ururka EuroSom Mr Maxamed Diini iyo Sabriye Gaabow oo isana ka socday isla ururka EuroSom. Furitaankii xafladda ka dib wuxuu guddoomiyuhu ka war bixiyey waxqabadka uruweynaha SEUKI iyo waxyaabaha uu damacsan yahay mustaqbalka isagoo ka dib microfonka ku soo dhaweeyey Madaxa Poliska xaafadaha järva Mr Jonny Lindh oo isna ka war bixiyey wada shaqeeynta ka dhaxeeysa ururweynaha SEUKI iyo Poliska xaafadda isagoo sidoo kale ka hadlay sida uu Polisku ula shaqeeyn doono ururkan wuxuuna xooga saaray sidii loo sugi lahaa amniga taasna ay ugu weeyntahay wada shaqeeynta labada dhinac oo ay wada shaqeeyntoodu bilaabatay sanadkii tagay ee 2008 wuxuuna Jonny Lindh ballan qaaday in sanadkan uu Polisku bixin doono biladda Diciplinka iyagoo ugu tala gali doona koob gaar ah hadii alla idmo. Waxaa sidoo kale halkaa siminaar ku saabsan taariikhda Soomaliya ka jeediyey sarkaal u shaqeeya hay,adda socdaalka Sweden laguna magacaabo Mr Cabdulaahi Abuukar Mudey isagoo ka warbixiyey dhaibaatooyinka ay dadka soo galootiga ah kala kulmaan dhulkan cusub ee ay soo galeen. Waxaa sidoo kale halkaa ka hadashay Alma Adan oo iyaduna ka soctay Studiefrämjandet oo ay ururka SEUKI haatan wada shaqeeyn kala dhaxeeyso iyadoo halkaana ka cadeeysay ballan qaad uu madaxa ururkaasi u ballan qaaday in uu ururka SEUKI ka caawin doono sidii jiif loogu heli lahaa kooxaha ka cayaara tartanka. Waxaa isna halkaa ka hadlay guddoomiyaha kooxda xiddigaha Rågsved Mr Carabeey oo soo jeediyey in loo duceeyo Marxuum Allaha u naxariistee Axmed Romario isla markaana codsaday in hadii aysan diinta ka horimaneeyn koobka sanadkan lagu magacaabo Romario iyadoo sidoo kale ogolaansho laga doonayo reerkii uu marxuumku ka tagay. Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Mr Maxamuud Sh.Ibraahim oo ka socda shirkadda xawaalada Dahabshiil isagoo halkaa ka jeediyey information ku saabsan sidii ay cayaartoyda lacagaha loogu soo diro Dahabshiil uu u qaabili lahaa iyo waxyaabaha looga baahan yahay wuuxna sidoo kale cadeeyey sida ay shirkaddu gacanta uga geeysato howlaha lagu hormarinayo Sportiga iyo dhalinyarada Soomalida ah. Waxaa sidoo kale halkaa kalmado ka jeedisay Ismahan Cabdulaahi oo ah u qabilsanaha ururka isbaheeysiga Soomalida qeeybta Sportiga iyadoo ka hadashay sidii cayaaraha loo hormarin lahaa. Waxaa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha EuroSom Mr Maxamed Diini oo ka hadlay wada shaqeeynta ka dhaxeeysa labadan urur oo markii ugu horeeysay heshiis ku kala saxiixday magaalada Leicester wuxuuna ballan qaaday in sanadkan uu heshiiska muuqan doono iyadoo lagu ballamay in cayaaraha ka kala dhacaya Stockholm iyo Göteborg la wada furo lana wada xiro. Waxaa khudbad aad u dheer isna halkaa ka jeediyey xoghayaha GOS mudane Taranbi isagoo ka war bixiyey qaabka uu u shaqeeyo Gos . Ugu danbeeyn waxaa halkaa ka dhacay qorituurkii sanadkan 2009 iyadoo ay kooxuhuna iskugu aadeen sidan soo socta. A F.C United Rinkeby Stars Oslo Stars Holland B London Star, Xiddigaha Rågsved Djerv & Bergen C Bristol Qaran F.C Sonpet (Fin) Ilamos D Leicester United Neutral (Göt) Wadaniga (Den)
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line   ;
|