• Buula-burte Oo Bursatay Beledweyne

Tartan kubada Cagta ah oo lagu maamusayay 15 May Maalinti dhaliyarada Soomaaliyeed islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen Guddigga Olympikada Goballka Hiiraan ayaa lagu soo gabo gabeeyay Magaalada Beledweyne.

Koobkan oo loogu magac daray (Koobka Wanka) oo ay ku dartameen labo kooxood oo ka kala soctay Degmooyinka Beledweyne iyo Buula-burte ayaa waxaa daawashadiisa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Olanpicada Goballka Hiiraan C/kariin Xassan C/dulle Qalaad (Yaani) Guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta ee degmada Beledweyne C/rashiid C/llaahi Xaanshi (Jiijeele) Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta degmada Buula-burte C/raxmaan Faarax (Karaama) iyo dadweyne aad u faro badan oo ka kala socday Xaafadaha Magaalada Beledweyne.

Intaas kadib Cayaarta ayaa markiiba ku bilaabatay si taxadir leh waxayna labada kooxood isku qaadeen weerar aan kala go' laheyn oo labada Kooxood ay ku raadinayeen in ay Goolal ku dhaliyaan, waxaana xusid mudneyd in Cayaartooyda ka socotay degmada Buula-burte ay ahaayeen kuwo garoonka la soo galay xirfad wax xoogaa la oran karo waa ay ka sareysay tan ay ku cayaarayeen kooxda ka soctay degmada Beledweyne.

Daqiiqadihii loogu talagalay Cayaarta ayaa waxaa ay ku soo idlaadeen Goolal la'aan waxaana Garsoorahii Cayaarta uu bilaabay in uu isha ku hayo Rigoorayaal loo dhigay labada kooxood oo ugu dambeytii guushu ku raaday kooxdii ka soctay degmada Buula-burte oo ku badisay 5 Gool halka Cayaartoydii ku cayaareysay magaca Beledweyne dhaliyeen 4 Gool.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Cayaarta lagu maamuusayay 15 May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay labada kooxood isagoo ku ammaanay ka sokow Cayaartii ay soo bandhigeen asluubta ay muujiyeen intii ay cayaartu soctay, waxaana uu intaas ku daray in ay ku jiraan cayaartooyda labada dhinac dhalinyaro Mustaqbal wanaagsan leh.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta ee degmada Buula-burte C/raxmaan Faarax (Karaama) ayaa uga mahadceliyay Guddiga Xiriirka kubada Cagta ee Magaalada Beledweyne soo dhaweyntii wacneyd ee loo fidiyay Cayaartooydii ka soctay degmada Buula-burte waxaana uu sheegay in tartamadu noqon doonaan kuwo joogto ah.

Waxaa dadka weyn u soo jiitay markii ay arkeen kooxda degmada Buulo-burte oo kor u qaaday Wankii loogu talagalay Koobka iyagoo ku dabaal dagaya, waxaana marka aad eegto in Wan loo baxsho Koob ay noqoneysa arrrin xiiso badan leh.

W/D C/ramxaan diini

 


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line