• Socdaalkii Wasiirka Sportiga Ee Nairobi

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboorti-ga ee Dowladda Midnimada Qaran ee dalka Somalia Mudane Suleeyman Colaad Rooble oo booqasho ku joogay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo la yeeshay Bahda Isboortiga, Dhalinyarada, Jaaliyada Somalida eek u dhaqan dalka Kenya iyo Heyado caalaami ah.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboorti-ga Suleeyman Colaad Rooble.

Kulmada uu Wasiirka la yeeshay Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa looga hadlay sidii Isboorti-ga Somalia loo horumarin lahaa, isla markanaa dib u habeen lagu sameeyo bah weynta guud ee Isboorti-ga Somalia .

Kulankii Wasiirka Isboortiga Uu La Qaatay Gen Bashir Goobe, Ahmed Nur.

Wasiirka Sports Dowlada Somalia Suleyman Colaad Rooble ayaa kulan qado ah wuxuu Hotel-ka 680 ee magaalada Nairobi kula yeeshay Gen Bashir Mahamed Jamac (Bashiir Goobe) oo ah taliye xigeenka1-aad ee ciidanka police-ka, marna soo noqday gudoomiyaha xiriirka k/cagta, garsoorayaashii k/cagta ee somaliyana ka mid ahaan jiray, iyo gudoomiye ku xigeenka xiriirka k/cagta Ahmed Nur Cabdulle

Wasiirka Isbooriga ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin Dhibaaytooyinka heesata guud ahaan Isboortiga Somalia , isagoo dhanka kale sheegay in uu kulamo uu la yeeshay xiriirka GOS oo kala kulmay soo dhaweyn heer sare ah.

Gen.Bashiir Mahamed Jaamac (Bashir Gobe) ayaa lagu soo dhaweeyay kulanka inuu ka hadlo,wuxuuna si gaar ah diirada u saaray caqabadaha hor taagan wasiirka sports iyo sidii ug bixi lahaa, isagoo goobta ku soo bandhigay dhowr talooyin oo si weyn loogu riyaaqay.

 

Gen. Bashiir Goobe Wuxuu sheegay in kuwa uu hada wax ka sheegayo uu horey u soo arkay laakiin loo baahan yahay sidii lo tirtiri lahaa, tilaabooyin wax gal ahna laga qaato fikradaha qaabta daran ee ay aaminsan yihiin.kuwa islaheysiiyay meesha

Ugu danbeyntii Kullanka aya ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

kulankii wasiirka Isbortiga iyo Jaaliayadda SANA.

Waxaa maalintii Khamiista oo ay taariikhdu ku beegnayd 30/4/2009 kulan balaaran lagu qabtay Safaaradda soomaaliya ay ku leedahay wadanka kenya, kulankaas oo ay soo qaban qaabasay Jaaliyada SANA oo ay sameysatay beesha J/weyne magaalada Nayroobi taariikhdu marka ay ahayd 4ta bisha April 2009, shirkaas oo uu ka soo qeyb galay Wasiirka Isboortiga ee Soomaaliya Suleeymaan Colaad Rooble.

Shirkaasi ayaa lagu gorfeeyay sidii looga diiwaan gelin lahaa safaaradda iyo dowladda kenyaba Jaaliyadda Bil jirsatay ee dhowaantaan lagu unkay isla magaalada Nairobi . Waxaa hadal qiiro leh halkaa ka jeediyay Wasiirka Isboortiga oo uu Jaaliyadda kula taliyay sidii ay howsha u xoojin lahaayeen howsha ay bilaabeen oo aanay marnaba ka caajisin, wuxuu kaloo intaa raacsiiyay inay xiriir la sameeyaan jaaliyadaha kale ee walaalahood ah ee ka jira kudaha wadanka Kenya iyo dibada intaba.

Kullmadii Wasiirka Isboorti-ga iyo Dhalinyrada iyo Bahda Isboorti-ga .

May 1, 2009 ayuu Wasiirka Isboorti-ga Kullan la yeeshay Gudiga Isboor-tiga ee Jaaliyada dalka Kenya iyo ciyaartooydii Hore ee Somalia kuna sugan dalka Kenya . Kullanka oo jawi wanaagsan ku biloowday ayaa looga hadlay dhibaatoyinka Isboorti-ga Somalia heesta gaar ahaan dhibaatooyinka heesta Jaaliyada Somalida ee dalka Kenya .

Suleeyman Colad iyo qaar ka tirsan Gudiga Isboorti-ga ee Jaaliyada somaliyeed ee dalka

Kenya ku nool.

Wasiirka Isboorti-ga ayaa Gudiga Isboorti-ga Jaaliyada Somalida u balan qaaday in xiriir wanaagsan oo la yeelan doono isla markaana uu dadaalka ay wadaan uu wax badan kala qaban doono.

Yusu Momed Abdi, Suleyman Colaad iyo mid ka mid ah ciyaartoodii Qaranka Somalia .

Kullanka ayaa ugu danebyntii ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo Wasiirka iyo Jaaliyada intaba ay arrimo muhiim ah ka wada hadleen.

Ururka Dhalinyarada UDHIS iyo Maalinta Shaqaalaha Aduunka.

Xaafada Islii ee magaladatan Nairobi garoonka kubada cagta ee thikiya agagaarka pangani ayaa xaflad lagu xusayay maalinta shaqaalaha aduunka lagu soo gabagabeeyay, Xafladan oo ay soo agaasimeen Ururuka Dhalinrada Isbadalka doonka Somaliyeed ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan UDHIS, iyadoo xafladan ururuka u dhis ay ku casumeen wasiirka Isboorti-ga iyo Dhalinyara Somalia Suleeymaan Colaad Rooble.

Ciyaartan oo lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha aduunka oo ay soo qaban qaabiyeen ururka UDHIS ayaa waxaa furitaanka ciyaartaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururkaasi Mahad Muuse Maxamed waxa uuna sheegay sababta ku kaliftay arrintan iney tahay muhiimada ay ka leeyihiin mideynta, isukeenida, wacyigalinta iyo baraarujinta dhalinyarada soomaaliyeed.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboorti-ga oo gacan qaadaya qaar ka tirsan iyaartooda kooxda

UDHIS.

“Waxaanu horey u qabanay koob la magac baxay Maalinta Dhalinyarada soomaaliyeed ee 15-ka May, sidoo kalana waxaan dhowr jeer qabanay aqoon iswaydaarsiyo kala duduwan sida arimaha bulshada, iney dhalinyaradu aqoonsato doorka ay ku leeyihiin bulshada soomaaliyeed, tahriibka iyo falalka aanan ku wanaagsanayn dhinaca anshaxa.” Gudoomiye Mahad ayaa sidaasi ka sheegay xaflada Maalinta Shaqada Aduunka

Gudoomiyaha ururka UDHIS Mahad Muuse ayaa intaa kadib hadalka ku wareejiyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Soomaaliya Mudane Saleebaan Colaad Rooble si uu u furo xafalada ciyaartuna ay u bilaabato, wasiirka ayaa hadalkiisii bilowgiiba u mahad naqay dhamaan kasoo qeybgalayaashii xaflada gaar ahaan dhalinyaradii iskood isugu xilqaamay arrinta wuxuuna bidhaanshay in ciyaarta ay bilaabmi karto.

Gudoomiyaha ururka Isbadalka doonka ee UDHIS Mahad

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboorti-ga Suleeyman Colaad Rooble ayaa inta uu joogay Nairobi waxa uu kulamo kalle la yeeshay, Xildhibaanad Caasha, Heyado caalami ah iyo waliba Qabiirada Isboortiga Somalia .

Wariye Ibraahim iyo Wasiirka Isboorti-ga Suleeymaan Colaad Rooble.

Dhanka kale Suleeyman Colaad ayaa kulan balaaran la yeeshay dhalinyarada Waayahacusub. Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Iyo dhalinta Waayahacusub ay ka wada hadleeyn sidii loo wacyi galin lahaa dhalinta Somaliyeed iyo in Wasaarada dhalinta iyo Isboorrtiga ay xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen.

Dhalinta waayahacusub ee ku can baxay heesahah ayaa inta badan heesahooda kaga hadli jiray difaacida dalka. Ugu dabeyntii kulanka ayaa ku soo dhamaaday faraxad iyo is faham.

Wasiirka Dhaliyarada iyo Isoorti-ga iyo Gudoomiyaha dhalinta waayahacusub Shiine .

 

Tan iyo markii uu Xilka la wareegay Suleymaan Colaad Rooble waxa uu qabtay howlo fara badan, iyadoo la filayo in Isboorti-ga Somalia uu is badal badan laga filayo, dhan kalle Suleeyman Colaad Rooble ayaa la filayaa in uu dhawaan safar ku aado dalka Switzerland

Ibraahim Da'ud Abdalle “Gentleman'

Ibraahim@journalist.com

Sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-Kenya

 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line