• Walaalayaal Xag Xagasho Ma Xal Baa?!

Waxaa maalmahan dambe aad u kordhay is afgranwaa kala soo dhex galay bahweynta sportiga gaar ahaan kubadda kolleyga kuwooda qurbo jooga ah.

Maraka qaar ayaaba waxaad arkeysaa iyadoo la adeegsanyo warbaahinta qaar in lees weydaarsado ereyo aan qurxoneen.

Haddaba waxaa arrintan aad uga danqaday Macallimkii hore ee kooxda kubadda kolleyga (Basketball) Batroolka Macallim Cismaan oo ku magac dheer Bruno, Xiddigihii hore ee kooxda Muqdisho oo kala ah Abukar Shiino, Farax Oday iyo Axmedey B.Raggan oo ku hadlaya magaca bahweynta sportiga waxay ka codsanayaan dhamaan bahweynta sportiga iney joojiyaan colaadan sii dheeraneyso. Sidoo kalena la soo celiyo sumcaddii iyo sharaftii bahweynta sportiga kubadda kolleyga ee qurba jooga.

Talyaaniga wuxuu yiri: "I panni sporchi si lavano in famiglia" Oo ah in is afgranwaaga kala soo dhex gala dadka is xiga ay ku hoobon tahay iney dhexdooda ka wada hadlaan sidaana ku xaliyaan iyadoo aaney cid kasta u soo bandhigin.

Sidaa awgeed walaalayal in leesu adeegsado warbaahinta iyadoo lees dhaafsanayo ereyo foolxun waxba soo kordhin meeyso, iney colaada sii kordhiso moyee. Xag xagashana xal noqon meyso ee waa in la wada hadlaa oo miiska lagu xaliyaa wixii qilaaf ah.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line