Waxaa taariikhdu
markii ay ahayd November 27, 2013 ka dhacday garoonka Waamo Stadium ee
iska ilmaynaya had iyo gore ciyaar loogu tartamayey Koobka SUPER CUP ka
oo ay ciyaareen kooxaha horyaalka Serie B iyo Serie A ee kala ah XIDDIGAHA
iyo ISKUFILAN. Kooxda XIDDIGAHA ayaan dhinacooda dhulka la dhigin 9kii
ciyaarood ee ugu dambeysay waxayna garoonka ku soo galeen kalsooni buuxda
halka kooxda ISKUFILAN ay iyadu la hayd kuwana masaasad afka u galiya.
Ciyaartan ayaa
waxaa ka soo qayb galay Ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed
Xasan Farey, Xoghayaha Guddiga Olympicadda Soomaliyeed Duran Farax, Madaxa
Horumarinta Sports ka ee Gobolka Banaadir Da’ud Shire, Guddoomiyaha Qurba-joogta
Sports G/J/Hoose Eng.Abdisamed Sheik-Qasim, iyo waliba Guddoomiyaha cusub
ee Xiriirka Kubadda Cagta G/J/Hoose Burhaan Kuukuyo, Shakiib Dhowre oo
ka mid ah Guddiga Caafimaadka iyo rag badan oo kamid ahaa maamulkii hore
ee Kubadda Cagta.
Ciyaartan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan oo ka
kala yimid xaafaddaha magaaladda iyagoo u dabaal dagayey natiijaddii ka
soo baxday doorashaddii xalaasha ahayd ee Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda
cagta G/J/Hoose.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 0-0 waxaana la galay
nasho. Intii nasashadda lagu jiray ayaa waxaa la qabtay tartan ciyaaraha
fudud ah (400m) ee orodka halka wareeg oo ay ka qayb galeen 10 wiil oo
ka tirsanaa wiilasha Grass-root ka amase Youth Development ga degmadda
Kismayu kana tirsan ciyaartooyda mustaqbalka ee hoos yimaada Xiriirka
Kubadda Cagta oo ay tababaraan Ciyaartooydii hore ee heer Gobol Bishaar
Kata iyo Abdirahman Shariif.
Haddaba waxaa kaalinta kowaad galay Mahad oo ku guuleystay $30 , kaalinta
labaadna waxaa galay Ismail Gaaboow oo ku guuleystay $20 , kaalinta saddexaadna
waxaa galay Mohamed oo hoogaanka u hayey ilaa 300m ka dibna isagoo wadnaha
afka ku wata xariiqda soo gaaray kuna guuleystay $10.
Waxaa fikirka lahaa Xoghayaha GOS jaalle Duran ka dib markii uu arkay
caruurtan da’da yar oo tababar ku qaadanaya Isbartibo Weekiyo maalintii
Isniinta ee ay taariikhdu ahayd November 25, 2013, abaalmarintana isagaa
bixiyey, waxaase seeriga u hayey Eng. Abdisamed oo waliba garab ordayey
ciyaartooyda si uu ugu duwo tubta toosan maadaama aysan xariiqimihii asteysneyn.
Akhriste waxaa dib u bilaabatay ciyaartii SUPER CUP ka qeybtiisii labaad
waxaana weerar aan kala go’lahayn ay isku qaadeen labadda koox inkastoo
aan wax gool ah la iska dhallin. Kooxda XIDDIGUHU waxay maalintii shalay
ahayd lahayd taageerayaal aad u badan.
Xilligii ciyaarta wakhtigii loogu tala galay markii uu dhamaaday ayaa
garsoorihii ciyaartu (Mr. SLA) wuxuu tilmaamay rigoorayaal ay guushu ku
raacday 5-4 kooxda XIDDIGAHA oo lahayd KISIIMAAD ku baratee KAFTAN KII
ma lagu baray.
Haddaba waxaa
koobkii SUPER CUP ka ee Sannadka 2013 ku guuleystay kooxda XIDDIGAHA waxaana
u hambalyeeynaya kooxda iyo tababaraheeda tifatiraha website ka www.xiddigaha.com
jaalle Mohamed Busuri oo leh, “Geediga wadaay guuleystayaal.” Waxaa koobkii
weynaa kooxda XIDDIGAHA guddoonsiiyey Ku-Xigeenka Xoghayaha SFF jaalle
Xasan Farey, Diili Mahaadi iyo Eng. Abdisamed.
M D Abdiwahab
Xiddigaha/Kismayu
|