Kooxda Xiddigaha
ayaa ku guuleysatay koobkii Ramadaanka ee Toronto, ka dib markii ay rigoorayaal
kaga talaabsadeen kooxda Hall of fame.
Ciyaartan ayaa ku bilaabantay jawi qurxoon iyadoo labada kooxoodba ay
soo bandhigeen ciyaar ay aad ula dhaceen dadweynihii usoo daawashda tagay.
Inkastoo ay
labadan kooxoodba ay aad isu weerareen haddan, fursadihii goolal loo filan
karay oo dhan wey iska lumiyeen.
Daqiiqadii ugu dambeysay ee ciyaarta ayaa fursad qaali ah mar kale abuurtay
kooxda Hall of fame, lakiin waa ay haleeli waayeen shabaqa.
Waqtigii loogu talo galay ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay barbaro goolal
la’aan ah.
Haddaba
si labadan kooxood uu midkooda ugu guuleyso koobakan ayaa waxaa loo dhigay
Rigooreyaal (Penalties)
Hall of fame ayaa 4tii Rigoore ee ugu horeeeya mid keliya dhalisay. Halka
Xiddigah ay 3dii Rigoore ee ugu horeeyay ay intaba shabaqa ku hubsadeen.
Intaa kadiba xiddighii hore ee kooxda Jeenyo iyo xulka qaranka Maxamuud
Trumob ayaa Ramadan Cup Toronto 2013 guddoonsiiyay kabtanka kooxda Deeq
Xalene.
Xiddiga
garoonka waxaa ahaa Axmed Tuke oo difaaca ugu ciyaara kooxda Xiddigaha
isagoo weerarka Hall of fame afka u dhigtay.
Ilaa iyo intuu
tartankan socday waa markii ugu horeysay oo ay kooxda Hall of fame garoonka
ka baxdo iyadoo aan gool dhalin.
Waxaa
xusid mudan in kooxda xiddigaha ay si wada jir ah ugu ciyarayeen seddax
walaalo oo kala ah Liban Tuke (Goolhaye), Maxamed Tuke iyo Axmed Tuke
(Difaac)
|