• Xawo Taako oo Qalab Isbooorti Guddoonsiisay Kubadda Kolayga

Xaflad balaaran oo qalab isboorti lagu gudoonsiinaayo kooxaha kubadda kolayga Xiriirka u diiwaan gashan Degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsn gobolada dalka oo ka dhacday baarka Liido ee Magaalada muqdisho.

Qalabkan ayaa isugu jiray kubado iyo funaanaddo isku joog ah waxaaana ugu soo talo gashay Marwo Xaawo shiikh Axmed (Xawo Taako oo ka mid ah gudoomiye ku xigeenada XSKK kolayga isla markaan ahayd ciyaartoydii hore ee Xulka qaranka iyo kooxda Jeenyo, waxaana goobjoog u ahaa dhamaan wakiilada kooxaha xiririka u diiwan gashan oo dhan 13 kooxood, wakiilada ciyaaraha Degmooyinka Gobolka banaadir , Wakiilo ka socday gobolada qaar,Jaamacada Plasma iyo Iskool Jabuuti.

Xaawo Taako oo halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in ay tani tahay bilow “waxaana u sheegayaa dadka kale ee walaalahey in dadka ay ka soo jeedaan gobolo iyo degmooyin waxayna ila tahay in waxa wanaagsan laysaga maseero oo wanaaga loo wada dhaqaaqo.

“Xaawo taako ayaa dhanka kale xustay in dhaqaalaha ay qalabkan ku soo gaday ay garab ku siiyeen qoyskeeda oo ugu horeeyo seygeeda Cusmaan Shiis oo Laacib heer qaraan ahaa, Caruurteeda iyo dad Jecel hormarka kubada kolayga waxayna sheegaty in ay u taagan doonto hormarka kubada kolayga haddii ay xiriirka ka mid tahay iyo haddii aysan ka kamid ahaynba qorshaheeda xigana uu noqon doono sidii gobolada iyo iskuulada dalka dhan qalab loo gaarsiin lahaa.

Xildhibaanad Ubax Tahlii Warsame oo ka mid ahayd marti sharafti ka soo qayb gashay xaflada sidoo kale ka mid ahayd bahdi hore isboortiga ayaa uga mahad celisay Xaawo Taako Dadaalkii ay samaysay waxay intaa ku dartay in talaabadan ay tahay talaabo dhiira gelin u samaynaysa gabdhaha Soomaaliyeed waxayna balan qaaday in ay u istaagi doonaan sidii talaabda xigta ay u qaadi lahaayeen markastana ay caawin doonto isboortiga Soomaaliyeed.

Cabdulaahi Bashiir kuwaataro. Xoghayaha guud Naadiga Dekedaha oo ku hadlayay Magaca Kooxaha kubadda kolayga ayaa tilmaamay in xaawo taago ay talaabo geesinimo qaday waxuuna sheegay in aysan wali arkin cid u keenta kubadda ka badan 100 xabo iyo funaanado isku joog ah oo sidaa u badan “Kuwaataro ayaa dhank kale u mahad celiyay Macalin Shiikha tababarkii qaaliga ahaa uu siiyay kooxaha kubadda kolayga waxuuna intaa ku daray in kooxaha Kubadda kolayga ay markasta xusuusan doonaan cid kasta oo waxqbad muuqda la timaada garabna siisa.

“Dhanka kale Wakiilada isboortiga Degmooyinka gobolka Banaadir gobolada , islkuul Jabuuti iyo Jaamacada Plasma ayaa dhamaan u mahad celiyay Xaawo shiikh Axmed ( Xaawo taako.) waxayna sheegen inay kubadaha meel iska dhigan doonin oo ay caruurta ku wax na kubari doonaan kana soo saari doonaan ciyaartoy heer qaran matasha mustaqbalka”. Ugu danbayn Xawwo taako ayaa la gudoonsiiyay bilad sharaf ay ugu talo galeen ururka haweenka isboortiga iyo nabadaynta qaranka soomaliyed iyo ururuka nabadaynta qaranka soomaaliyeed doorki ay ku lahayn hormarka isbortiga dalka.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email:hadaafoow7@gmail.com
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line