Waxaa magaalada
Toronto booqasho gaaban ku yimid ciyyaartooygii hore ee gobolka Banadir,
kooxda Horseed iyo Jeenyo Xassan Cadow Raage oo ka yimd London UK.
Haddaba Bahweynta
sportiga ee Toronto ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah u qabtay Xassan Cadow.
Guddiga qaban qaabada ayaa waxaa horkacayay Muuse Dhiblawe (Abtiga) iyo
Xassan Cowle
Sidada caadad
ah ayaa xafladan waxaa lagu furay aayadihii quraanka ee uu halkaasi ka
aqriyay Muuse Dhiblawe (Muse Abtiga),
Intaa ka dib waxaa loo guda galay xafladii waxaana halkaasi ereyo kooban
kasoo jeediyay qaar ka mid ah dadkii kasoo qeybgalay.
Macallim Tuke, Maxamed Faarax iyo Cantar Jeenyo ayaa ka mid ahaa odeyaashii
halkaasi ka hadlay.
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Xassan Cadow isagoo aad ugu mahadceliyay
bahweynta sportiga ee Toronto sida diiran oo ay u soo dhaweyeen.
Gaba gabadii xafladan ayaa Maxamed Tuke uu halkaasi hadiyad ku gudoonsiiyay
Xassan Cadow.
Xafladanayaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay ciyaartooydii magaca ku lahaa
dalka, kuwaasi oo aan ka xusi karno Dr Yusuf Shaqaaq, Mukhtar Cuti, Oday
Mursal, Eng. Yusuf Dheere, Faarax Oday, Axmadey B. Dhanka dhallinyarada
ragii halkaasi joogay waxaa ka mid ah: Ciise Madowe, Cabdixakiim Ottawa,
Faris, Ganey, Muuse Abti, Saadiq Ducaale, Jamal Dirie, Maxamed Tuke.Cabudllah
Yusuf, Xassan Bangaari, Sharmarka Ducaale, Shiikha, Yo Baby, Cadare, Diiriey,
Suleyman, Careys, Xassan Cowle, Fanax, Faysal, Aalow & C/rashiid,
W/D Mohamed
Busuri
mbusuri@hotmail.com
Sawir Qaade:
Mohamed Ganey
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|