Amiin Amir
'Dareenka ayaa igu
hoggaamiya in aan sidaas wax u sawiro'
Fanka, qofba si ayuu bulshada ugu soo bandhigaa fikarkiisa, isagoo
adeegsanaya aqoon, waayo-aragnimo iyo farsamo u gaar ah. Qayb
ka mid ah fanka waa farshaxanka ‘Kartuunka’ oo Soomaalida
dhowaan-gal ku ah, kaas oo qayb ka ah moorada ballaaran ee fanka,
iyadoo nolosha casriga ah ee dunida maanta uu noqday aalad sarreysa
oo loo adeegsado dhinaca warbaahinta ‘Media’.
Soomaali ahaan, marka la soo hadal qaado Kartuun waxaa isla markiiba
maskaxda ku soo dhaca ninka lagu magacaabo Amiin Caamir. Wixii
ka dambeeyey 1970 ayaa soo bandhigga Kartuunku ka hirgashay dalka,
wuxuuna noqday qaab loo adeegsado wax u sheegidda iyo baraarujinta
dadweynaha, gaar ahaan xilligii Kacaanka. Amiin Caamir wuxuu ka
mid yahay dadka kooban oo Soomaalida, Kartuunka looga dambeeyo,
waana badan yihiin dadka markay maqlaan ‘Kartuun’
soo xusuusta magaca Amiin Caamir. Goobaha lagu soo bandhigo farshaxanka,
Tiyaatarada, Wargeysyada, Matxafka, Buugta, waraaqaha derbiyada
iyo xayeysiinta iwm, intaba waxay ahaayeen fagaarayaal uu caan
ka dhex yahay Amiin Caamir, intii la joogay dalkii Soomaaliya.
Markii dagaalka sokeeye qarxay, Amiin Caamir, wuxuu sii waday
hal-abuurkiisa muujinaya dhibaatada Soomaaliya gaartay, welina
ku socota! Dalalka Yeman, Jabuuti iyo Kanada oo uu ugu dambeystii
qaxii ku tegay, dhammaantood wuxuu ku qabtay bandhigyo muujinaya
Hidaha iyo dhaqanka, nolosha iyo dhibaatada, gaar ahaan mushkiladda
colaadda sokeeye oo waxyaabaha la dumiyey fanku qayb weyn ka yahay.
Amiin Caamir waa qoraa sawirada Kartuunka. Wuxuu awood weyn u
leeyahay in uu hal sawir oo kooban ku muujiyo wax qoraal kale
ku qaadan lahaa bogag aan yarayn.‘Kartuunka waa ka sareeyaa
oraahda, maxaa yeelay sawirku wuxuu gudbi karaa degaanno kala
fog, kuna kala duwan hidde, dhaqan iyo afba’ waxaa yiri
Amiin Caamir. Wuxuu ku nool yahay dalka Kanada, magaalada Toronto.
Wuxuu halkaas ku leeyahay Stuudiyo, wuxuuna ku howlan yahay bandhigyo
farshaxan, u badan dhinaca hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo
uu ka dhigo dalka Kanada. Waxaa la shaqeysa gabadhiisa oo iyaduna
hibo u leh dhinaca Sawirada (Photograpy) iyo adeegsiga Kombiyuutarka.
Wareysi aanu la yeelanay Amiin Caamir wuxuu u dhacay sida tan:
S:
Wax ma nooga sheegi kartaa noloshaada iyo sida aad ku bilowday
farshaxanka?
J:
Anigu waxaan la fil ahay xoriyadda, waxaana dhashay sannadkii
1960kii. Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho. Ma sheegi karo
waqti xaddidan oo aan fanka bilaabay, waxaanse ogahay anigoo aad
u yar oo dhigta dugsi qur’aan, in aan bilaabay jacaylka
sawirka. Waxaan xusuustaa in la iiga maara-waayey in looxa aan
ku dhigan jiray ‘Alif wax ma leh’ aan u adeegsan jiray
sawiro, halkaasna mararka qaarkood ku mutaysan jiray ciqaab. Waxaa
kaloo jiray in derbiyada xaafadda aan deganahay aan ku sawiri
jiray sawiro dad iyo xayawaanba anigoo adeegsanaayo dhuxusha.
S:
Sawiradaas ma jecleysan jiray oo dadku ma ku dhiiri-gelin jireen?
J:
Waa kala duwanayd. Dadku qaar baa aabbahay u dacwoon jiray oo
mararka qaarkood waxaan mutaysan jiray canaan. Laakin waxaa jiray
qaar aad u jeclaa oo ii keeni jiray warqado ama alwaax in aan
ugu sameeyo. Sawiradayda dadka jecel waxay u badnaayeen dhallinyaradda
xaafadda iyo ardayda dugsiyada dhigta.
S:
Waalidku ma kugu dhiiri-gelin jiray?
J:
Aabbahay markuu arkay dacwooyinka badan ee ka imaanaya dadka leh
guryaha derbiyada aan wax ku soo sawiro, isla markaas isagoo ku
fekeraya in la iiga amaan helo derbiyada islaameed, waxay qasab
ku noqotay in uu ii soo gado qalabka farshaxanka, sida waraaqo
iyo qalmaan midibo leh. Wuxuu i dhihi jiray: banaanka ha u bixin
oo halkaan ku sawir wixii aad rabto’.
S:
Dugsiga xaggee ku soo dhigatay?
J:
Waxaan bilaabay aniga oo aan gaarin xilligii caruurta lagu geyn
jiray, waxaana sabab u ahaa maalin maalmaha ka mid ah ayaan wiil
dugsiga Villaagio Arabo dhigta oo ah xaafaddii aanu deganeeyn
ayaan u sameeyey sawir xayawaan kala duwan. Saaxiibkey markii
la weydiiyey qofkii sameeyey, wuxuu sheegay in wiil yari u sameeyey.
Markaas ayaa waxaa wada kulmay Maccalinkii oo hore ugu arkay derbiyada
Sawiradii aan sameeyey, hase ahaatee aan aqoon magaceyga. Durbadiiba
Maccalinkii ayaa weydiiyey dugsiga aan dhigto, waxaana loo sheegay
in aan wiil yar ahay oo aanan weli gaarin xilligii dugsiga.
Sidaasna waxaa isku bartay aabbahay iyo macallin Masri ah oo markaas
doonayey in uu I arko. Meeshaas ayaan ka bilaabay dugsiga, waxaana
noqday wiil la tartama dhinaca sawirka ardayda fasaladii iga sare.
Marka wax qor la I yiraahdo oo aan garanwaayo qoraalka, waan sawiri
jiray, iyadaana ii fududayd.
S:
Laakiin khibrad weyn baad heshay, sidee?
J:
Waxaan dhashay xilli dalka uu markaas xornimo qaatay oo dalka
wax badan ku cusub yihiin. Waxaan noqday nin nasiib badan. Maxaa
yeelay, in aan aqaanay gaar ahaan farsamada xardhidda (Graphic
Design) iyo gaar ahaan Kartuunka waxaan ku bartay waayo aragnimo.
Ma jirin xilligaas sanooyin taqasuus gaar ah ee waxbarasho ama
awood badan oo aqoon lagu dhaalacdo kutub ama dugsi gaar ah oo
laga barto fanka. Waxaan helay nasiib in aan la shaqeeyo Farshaxan
Ruush ah ah xilligaas loo keenay dalka in uu Wasaaradda Warfaafinta
gacan ka siiyo dhinaca Madbacada Qaranka. Ninkaas ayaan ka faa’iideystay
farsamada Graphic Arts-ka, ka dibna waxaa is baranay nin kale
oo Talyaani ah oo isna goor dambe la keenay Madbacadda.
S:
Hiwaayadda iyo aqoonta Kartuunka, goormaad gaartay?
J:
Marka hore waxa muhiim ah hal abuurka fikirka, ka dibna waxaa
imaanaya farsamdii la adeegsan lahaa. Taas oo badanaaba laga dhaxlo
waayo-aragnimada howsha mudada aad ku dhex jirto. Adeegsiga Kartuunka
waxaan bilaabay mar aan tababar ahaan ula joogay Wasaaradda Warfaafinta,
sanndihii 1970-1971kii. Xilligaas oo aan dhihi karo dowladdii
Militariga waxay xoogga saartay dhinaca baraarujinta bulshada,
gaar ahaan Brobaangada iyo Kicinta dadweynaha.
Waxaa jiray baahi weyn ee dhinaca farshaxanka, sida warqad derbiyeedyo
(Posters), Boorar waaweyn iyo hal-ku-dhigyo waddooyinka magaalada
lagu dhejiyo. Anigu waxaan dhihi karaa meeshaas ayaan ka helay
waayo-aragnimo weyn. Maxaa yeelay, waxaan fursad u helay in aan
sawiro farshaxanno badan, hadday tahay boorarka aan soo xusay,
Sawiro hiddaha iyo dhaqanka oo lagu soo bandhigay dalka gudihiisa
iyo dibeddaba, waxaan helay waayo-aragnimo aqoonyahaano dibadda
laga keenay oo dalka ka shaqeynayey, kuwaas oo lahaa kuwa wadamada
Carabta, Kuuriya, Talyaaniga iyo Midowga Sofeeti.
S:
Miyaad Kartuunka u aragtaa aalad casri ah ee dadka wax lagu gaarsiyo?
J:
Ujeedadu waxay tahay gaarsiintu in ay noqoto mid wax ku ool ah
oo dhaqso loo fahmo. “Sawirku waa gabay aamusan” waxaa
yiri Hadraawi. Laba arrimood ayaa muhiim ah: tan 1aad waa in aad
hesho dareen ahaan wax kuu muuqda; tan 2aadna waa in aad dareenkaas
sawir muuqda oo dadka kale kula arki karaan u beddesho. Halkan
waxaan kaalin muhiim ah cayaaraya farsamada Kartuunka. Wax badan
ayaan farshaxan ahaan dunida iyo Soomaalidaba ugu muujiyey dhibaatada
dagaalka sokeeye, qaab sawir ‘Kartuun’. Dhowr bandhig
ayaan ka sameeyey magaaladda Jabuuti. Kii ugu dambeeyey waxaan
ku dhigay Hotel Sheraton oo ay ka soo qaybgaleen Safaarado iyo
Hey’ado caalami ah. Xilligaas oo ku soo beegmay Shirkii
Carta lagu qabtay ee heshiisiinta Soomaaliya oo aan ku muujinayo
dhibaatada dalka Soomaaliya. Halkaas waxaa lagu iibiyey wixii
sawir ahaa oo aan sameeyey. Dadka gadanayey waxay u badnaayeen
shisheeye. Wixii dakhlii ka soo baxay waxaan ugu deeqay shirka
laftiisa.
S:
Fikradaha aad sawirto sidee kuugu dhashaan?
J:
Iskama timaado! Waxay ka tarjuntaa dhacdo aad markaas kuu muuqata,
ka dibna dareenka ayaa kugu hoggaamiya in aad sidaas u sawirto.
Mudnaanta ugu weyni waa in qofka fiirsanaaya ama aqrisanaaya uu
si fudud u helo nuxurka iyo ujeedada. Waxa doorka weyn ciyaara
waa xogta iyo waayo-aragnimada aad ka haysato waxaad gudbineyso.
S:
Inaad sidaan caan ugu noqonayso Kartuunka, ma filaysey?
J:
Maya, ma filayn. Wixii aan jeclaa wax kale ayeey ahaayeen, laakiin
koleyba kama fogeyn fanka laamihiisa kale, waxaana u malaynayaa
in aan u dhammaan doono filim sameyn xagga Kartuunnada ah. Waxaan
maanka ku hayaa in aan mar uun gaaro soo bandhigga filim Kartuun
(Animated Cartoon) ah oo ku saabsan wejiga dagaalkii sokeeye ee
Soomaaliya.
By Busuri.