Home| Contact us|| News| LiveScore| Opinion| Somali Week Cup Winners| Ramadan Cup| Profiles
Welcome to Somali Sports and Cul tural Association Toronto Canada website

 
 
 
 


PROFILES

 

 

Cabdullahi .X.Saalax (Macallin Tuke):
Inta taariikhda cayaaraha kubadda cagta Soomaaliyeed la xasuusan yahay ,Tuke waa cayaartooyga keliya ee ku guulestay 6 horyaal. 1954 ayuu ku biiray kooxda heerka kowaad(seriaA)Deebow(Gadiidka) .

Mohamed Farah
Sannadkii 1982 ayuu ka mid noqday Garsooreyaasha FIFA, oo ah darajo Garsoore tan ugu sareeysa. M.Farah intii aanu noqon Garsoore, wuxuu ahaa cayaartooy kubadda cagta, kollyga iyo Orodada.

Maxamed A.Cabdikarim(Cantar Jeenyo):
Cantar wuxuu ka mid yahay cayaartooydii aadka loogu qadderin jiry garoomada cayaaraha ee kubadda cagta, wuxuuna caan ku ahaa laadka kubadda, goolheeyaha kooxda ka soo horjeeda aad ayuu u qalqal gelin jiray.

Dr.Yusuf Mohamed Mohamud (Yusuf Shaqaaq)
Shaqaaq wuxuu ahaa lafdhabarka kooxda Jeenyo, iyadoo lagu xaasuusto No:8. Sidoo kale wuxuu xubuin firfircoon ka ahaa Xulka Qaranka.

Mukhtaar M.Ahmed (Mukhtaar Cuti)
Mukhtaar wuxuu ahaa cayaaryahan Eebe u hibeeyeey xeeladaha cayaaraha kubadda cagta. Taagerayaal badan ayaa u soo daawasho tegi jiray sidii ay u arki lahayeen siduu u xarfadeeya kubadda. Waxey ugu yeeri jireen: Tataabte, Antena

Khaliif Shire Muuse (Khaliif Ricco)
:Marka laga hadlayo xiddigaha cayaarah kubadda cagta ee dalka Soomaalia guud ahaan, gaar ahaana Gobolka Jubbada hoose(Kismayo) iyo kooxda Badda, waxaa durbadiiba soo xusuusaneysa Khaliif Ricco.

Yaxya Slaw: Seddax ka mid ah walaalihiisa waxey ahayeen cayaartooy kuwaas oo kala ah: Xassn Islow(Xassan Shiino) Hoorseed iyo Badda, Cabdicasiis Islow(Shiishow) Badda, iyo Abdirahman Islow(Bajka) FIAT (Wagad) Haddaba Yaxya waxaad modaa in uu dhaxal u leeyahay ciyaarta kubadda cagta.

Hassan Yare: Bulsha weynta Soomaaliyeed ee jecel cayaaraha kubadda cagta cayaaryahannada ay sida aadka ah u xusuustaan waxaa ka mid ah Hassan Yare(Gololey). Hassan wuxuu lagama marmaan u ahaa kooxdiisa Wagad iyo Xulka Qaranka.

Maxamed Maxamuud(Trumbo)
Trumbo wuxuu ka mid yahay cayaartooydii guusha faraha badan u soo hooysey kooxda Jeenyo iyo Xulaka Qaranka. Wuxuu ahaa cayaartooy aad u fudud, difaaca kooxda ka soo horjeedana aad u qalqalgeliya.
Amiin Amir : Fanka, qofba si ayuu bulshada ugu soo bandhigaa fikarkiisa, isagoo adeegsanaya aqoon, waayo-aragnimo iyo farsamo u gaar ah. Qayb ka mid ah fanka waa farshaxanka ‘Kartuunka’ ee uu Amiin caanka ku yahay.
Dhame :Inkastoo Dhame uu yaraantii aad u jeclaa una ciyaari jiray ciyaarta kubadda kolleyga (Basketball) ayaa wuxuu nasiib u yeeshay inuu si rasimi ah garoon u galo sannadkii 1980kii.

 

Dhamaan aqristayaasha qiimaha leh waxaan u sheegeynaa, in sida ugu dhaqsaha badan aan idinkugu soo gudbin doono, taariikh noolaleedka Sportiga ee cayaartooyda aan halkani ku soo xusnay iyo qaar kale oo badan.