BABY MOTHER CARE YOUR BABY ACCESSORIES AND GIFTS. 1774 WESTON RD. TORONTO, ON. M9N 1V6 TEL: (416)243-5444
BBC Laant Somaliga

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Home| Contact us| The Latest Photos| News| LiveScore| Opinion| Somali Week Cup Winners| Ramadan Cup| Profiles


 

 

 

   
 

Profile: Mukhtar M.Ahmed(Cuti)


Y

Mukhtaar Cuti

Wuxuu ku dhashay degmada H/Wadaag magaalada Muqdisho(Somalia). Waxaa la dhalatay 3 wiil iyo 4 gabdhood.

Mukhtaar wuxuu ciyaarta kubadda cagta bilaabay isagoo 6 jir ah wuxuuna ku ciyaari jiray halkii la oran jiray Goofka (Degmada H/Wadaag). Mukhtar yarantiisi kubadda cagta ka sokow, wuxuu ciyaari jiray kubadda kolleyga (Mini Basket).

1977 Isagoo ku ciyaaraya bacaadka H/Wadaag ayaa nin la oran jiray Siidow oo ka mid ahaa guddiga kooxda batrolka la dhacay ciyaartiisa, wuxuuna kula taliyey in uu u ciyaaro kooxda Batroka .Sidaas ayuu Mukhtar kaga mid noqday kooxda Batroolka qeybta labaad(Seria B).

1978 Ayuu u gudbay kooxda Batrolka heerka kowaad (SeriaA). Mukhtaar wuxuu caan ku ahaa xirfaddeynta kubadda, markuu kubadda soo wato difaca ka soo horjeda aad ayuu u qalqali jiry, xitaa taageerashaa kooxda ka soo horjedda aad ayey ugu heli jireen ciyaartiisa. Dad badan ayaa u soo daawasho tegi jiray keliya sidey u arkaan ciyaartiisa. Magacyadii loo yiqiinay waxaa ka mid ah: ANTENA, TAATABTE iyo MUKHTAR CUTI uu caan ku ahaa.

1980 Waxaa loo magacaabay Xulka Qaranka Junyark. Kana qeybgalay ciyaarihii Koobka Barriga iyo Bartamah Africa ee lagu qabtay Mogadisho. Xulka Qaranka Somalia ayaana ku guuleystay Koobkaasi.

1980 Ayuu u gudbay Qaranka heerka kowaad kana tirsanaa ilaa iyo sannadkii 1988.

1985 Koobka General Da’uud ayey ku guulesteen.

1986Kooxdiisa Batrolka Waxey horyaalka ka galeen qeybta Labaad.

Waddamadii u ku soo ciyaaray waxaa ka mid ah: Kenya, Maroko, Niger, Ugandha, Brundi, Masar , Sudan, Yemen, Oman, iyo Saudi Arabia.

Muddadii uu ciyaraha ku jirary Mukhtar Ciyaartii ugu xumeyd waxey aheyd tii uu ku ciyaaray Cairo (Masar) Ciyaartaasi oo dhexmartay kooxda Hoorseed iyo Almuqawaluun, Isagoo u ciyaarayey kooxda Hoorseed looguna badiyey 7 - 0.
Ciyaartii ugu faraxdda badnaydna waxaay aheyd tii lagu ciyaaray Mogadisho oo ay Hoorseed kaga badisay Almuqawaluun 2 - 0.

Difaacii ugu adkaa ee soo maray wuxuu ahaa: IBRAHIM SHAASH.
Ciyaartooydii uu jeclaa iney la ciyaraan waxaa ka mid ah:
Kooxda Batrolka: Abdalla Omar Ali (Abdall Quuq),Mohamed Mohamud(Deysane), iyo Mohamed Omar Falcao.
Kooxda Qaranka:Khalif Ricco Abdall Quuq,iyoYuusuf Shaqaaq
Mukhtar waxaa soo tababaray Mohamed Osman(Budiste) iyo Macallin Cumar.

1988 Ayuu ciyaaraha ka fariistay.

Hadder wuxuu degan yahay Toronto, Canada, wuxuuna leeyahay xaas iyo 5caruur. 2 wiil iyo 3 gabdhood.

Mukhtar wuxuu ka mid yahay guddiga Somali Sports and cultural Association, wuxuuna ka mid ahaa raggii ugu horeeyey ee aasaasay Somali Week Tournament, in ka badan 12 sanno ka hor, hadderna sannad weliba bisha July lagu qabto Toronot , Canada.

Hobbies: Mukhtaar wuxuu jecel yahay in uu daawado ciyaaraha Nba, Tenniska iyo Kubadda cagta.

 

 

By Busuri.