Macallin Tuke
Cabdullahi Xassan Salah-oo
bahda isboortiga ay ugu yeeraan Macallin Tuke- ayay taariikhdu
xusaysaa inuu ka mid ahaa cayaaryahannadii iyo tababarayaashii
ugu qiimaha badnaa ee soo mara cayaaraha kubbadda Cagta ee dalkeena
Soomaaliya. 15kii Sanno ee uu cayaartooyga ahaa wuxuu ku guuleystay
6 horyaal, sidoo kale waxaa uu ahaa tababare ay aad uga muuqatay
aqoontiisa cayaaryahannadii uu soo barbariyay ama uu gacanta ku
soo dhigay. Sida taariikhdu xusayso marka laga hadlayo cayaarta
kubbadda cagta ee Soomaaliya, Macallinn Tuke waxaa uu ka mid ahaa
cayaaryahannadii ama halyeeyadii ugu horreeyay ee magaca Soomaaliyeed
gaarsiiya Afrika.
Macallin Tuke waxaa uu ka mid ahaa tiirarka ay ku dhaaran jireen
Kooxihii uu u soo cayaaray sid: Iskuraran, Gadiidka iyo Jeenyo
oo uu kaalin wayn uga jiray, sidoo kalena waxaa uu ahaa xubin
muhiim ah oo ka tirsanaa xulka qaranka. Ka dib markuu ka fadhiistay
cayaaaraha Macallin Tuke waxaa uu u wareegay dhanka tababaranimada,
waxaana uu ahaa tababare aqoontiisu aad u sarreysay , guulo badanna
u horseeday kooxihii uu tababare u soo noqday sida: Jeenyo, Waxool,
Gadiidka, Gobolada Banadir, Marka iyo Burwo.
Cabdullahi Xassan Salah (Tuke)
wuxuu ku dhashay magalada Muqdishu xaafadda Iskuraran. Yarantiisu
wuxuu jeclaa kubadda cagta.
1953 Ayuu markii ugu horeeysay u
cayaaray kooxda Xamar Weyne oo aheyd koox ka tirsan heerka 3aad
(Seria C). Sannadkani kooxdiisu waxey ku guulesteen koobka,waxeyna
u gudbeen heerka labaad (Seria B).
1953
dhamaakeed ayuu u gudbay kooxda Iskuraran oo ka tirsaney kooxaha
heerka labaad (SeriaB).
1953/54
Ayey kooxdiisa Iskuraran ku guulesay horyaalka qeyba labaad(SeriaB).
Xafladii gudoonsiinta horyaalka, ayey cayaar saaxiibtinimo ah
la ciyareen kooxda Booliska oo iyadu heysatay horyaalka qeybta
1aad(Seria A). Ciyaartaasi waxaa 4 iyo 1 ku guulestay kooxda Iskuraran.
Arrintaa iyad ah waxey keentay in cayaartooydii Iskuraran ay kal
qaataan kooxihii heerka 1aad(SeriaA).Kooxda Gadiidka oo markaa
la oran jiray Deebow (Autoparco)waxey qadatay 4 ciyaartooy oo
kala ahaa: Tuke, Abdalla Saalim, Shariif Saalah, iyo Shangole.
Intii uu u ciyaarayey kooxda Gaadiidka wuxuu ku guulestay 3 horyaal
Sannadihii 1954/55,1955/56, iyo 1956/57.
1957 Tuke
wuxuu u gudbay kooxda Jeenyo, oo waqtigaa lagu magacaabi Jiray
P.W.D (LLPP)wuxuuna kooxdani u cayaaray ilaa iyo sannadkii 1968.
Muddadii uu kooxdani u cayaarayey wuxuu ku guulestay 3 horyaal
kale sannadihii: 1959/60,1960/61,
iyo 1961/62. Sidaa ayuu Tuke ku noqday
Cayaartooyga keliya Soomaaliyeed oo ku guulestso 6 horyaal intuu
uu cayaaraha ku jiray.
1968 Ayuu
Tuke cayaaraha ka fariistay.
1969 Wuxuu tababare ku xigeen u noqday
kooxda Jeenyo.
1970 Ayey kooxdiisu cayaar u aaday
waddanka Ethiopia isagoo ahaa tabare ku xigeen.
1972 Tuke wuxuu qaatatay Shahaadada
Tabarenimada , kadib markii uu ka qeybgalay Tababar loo furay
Tababreyaasha Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana Macallin
ka ahaa Signor Voltaggio, oo ahaa tababare Talyaani ah, kana socday
Coversciano, Italia
1972 Dhexdeedi ayuu ka mid noqday
Guddiga Kooxda Jeenyo, islamarkaana waxaa loo magacaabay Tababaraha
Gobolka Banadir.
Tartanka cayaaraha Gobolada ee sanandaasi oo ahaa kii ugu horeeyey,
kooxdiisa Banadir ayaa ku guuleysaty.
1974
Waxaa waddanka yimid Mr.Karama, oo ka socday FIFA ahaana tababarihii
kooxda Bayer Munich ee wadanka Germalka, si uu tababreyaasha Africa
u siiyo tababar. Halkaasi ayuuna Macallin Tuke ku qaatay Shahaadadii
FIFA ee tababarenimada.
1975 Horanteedi Tuke wuxuu qaatay
Shahaadada Garsoorenimanda, kadib markii uu ka qeybgalay tababar
loo furay garsooreyaasha. Tababarkaasi waxey ku wada jireen Garsooreyaasha
ay ka mid yihiin Maxamed Farah, Bashiir Goobe iyo kuwa kale.
1975 Dhexdeedi
waxaa loo magacaabay in uu garsoore ka noqdo cayaaraha Gobolada
ee ka dhacay Baydhaba iyo Muqdisho.
1976
Ayaa loo magacaabay Tababaraha kooxda Jeenyo.Sidaa ayuu isaga
dhaafay Garsoorenimada.
Intii u dhaxeysay 1972 ilaa iyo
1983 Wuxuu kooxda Jeenyo u ahaa Tababre ama wuxuu ka mid
ahaa Guddiga Farsamada.
1984
Dhamadkeed ayaa loo magacaabay Tababaha koocda Waxool , wuxuuna
ku guulesta koobka General Da'uud.
Isla sannadka waxey ka qeybgaleen cayaaraha kobka kooxaha Africa,
waxeyna wada cayareen koox ka socotay waddank Brundi. Cayaartii
lagu cayaaray Brundi waxaa loogu badiyey 3:1. Cayaartii Muqdisho
ka dhacdayna Waxool ayaa 2:0 ku guuleysaty. Wareegi labaad iyagaa
u soo baxay, laakinse dhibicii ayaa laga qaaday, sababtoo ah waxaa
u cayaaray Karaama Dhegey oo qabay ganaxnaa, isagoo la siiyey
warqadda cas (Red Card), cayaartii taa ka horysay.
1986
ilaa iyo 1990 Macllin Tuke wuxuu
ahaa Tababareihii u kooxda Gaadiidka. Muddadii uu tabaraha u ahaana
waxey kooxdiisa ku guuleysatay horyaal iyo koob General Da'uud.
1990
Tuke wuxuu qaataya Shahaadada
tabarenimada Ururka Midowga Africk, kadib markii uu soo dhameestay
tababar ay si wada jir ah u fureen macallimiin ka sockd Ururka
,unad kal dhashay waddamada Sudan iyoMasar, iyo macallin ka socday
G8 una dhashay waddanka Germalka
Isku soo wada duuboo Macallin
Tuke, Maamulkii iyo Tababarenimadii kooxaha heerka kowaad(SeriaA),
waxaa u dheeraaa isagoo Tababare u soo noqday Gobolada ay ka mid
yihiin Banadir 5 Sanno kuna guulestay 2 sanno ciyaaraha gobolada.
laban wuxuu yimid Finalka. Gobolka Marka 3 sanno ayuu Macallin
u ahaa wuxuu ku guulestay hal sanno ,midna wuxuu u soo gudbay
finalka.Gobolka Burco hal sanno ayuu Macallin u noqday waxeyn
yimadeen Finalka, iyagoo la cayaaray Kismaayo cayaarta Finalka
Seddax jeer, waayo labadii hore wey kal badin wayeen.
Macallin Tuke hadder wuxuu
degan yahay magaalada Toronto, waddanka Canada, wuxuuna weli ku
dhex jiraa Sportiga, isagoo ka mid ah assaaseyaashii Ururka la
yiraahdo Somali Sports and Cultural Association (Sosca).
By Busuri.