BABY MOTHER CARE YOUR BABY ACCESSORIES AND GIFTS. 1774 WESTON RD. TORONTO, ON. M9N 1V6 TEL: (416)243-5444
BBC Laant Somaliga

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Home| Contact us| The Latest Photos| News| LiveScore| Opinion| Somali Week Cup Winners| Ramadan Cup| Profiles


 

 

 

   
 

Profile: Yaxya Islow Mahadale


Y

Yaxya Isow

Wuxuu ku dhashay : degmada Shibis magaalada Muqdisho(Somalia). Aabihii ayaa u ciyaari jiray degmadad Xamarweyne kubadda cagta , waxeyna naaneestiisu aheyd BORELE isagoo loogu magac daray ciyaartooy weyn oo Talyaani ah. Yaxye waxaa la dhalatay 11 wiil iyo 6 gabdhood, seddax ka mid ah walaalihiisa waxey ahayeen ciyaartooy kuwaas oo kala ah: Xassn Islow(Xassan Shiino) oo u ciyaari jiray Hoorseed iyo Badda, Cabdicasiis Islow(Shiishow) Badda, iyo Abdirahman Islow(Bajka) oo ka mid ahaa ciyaartooydii ugu horeeysay ee u ciyaarta FIAT (Wagad) Haddaba Yaxya waxaad modaa in uu dhaxal u leeyahay ciyaarta kubadda cagta.

Yaraantiisi ciyaarta kubadda cagta ka sokow wuxuu ciyaari jiray kubadda kolleyga (Basketball) waxaana tababare u ahaa nin la oran jiray Ama uuna sheegay in uu ahaa tababare aad u fiican. Ciyaarta kubadda cagta wuxuu ku ciyaari jiray degmada Boondheere.

1975 Wuxuu ka qeybgalay ciyaarihii degmooyinka, isagoo u ciyaaray degmada B/dheere. Waxeyna ku guulesteen Koobka degmooyinka.

1976 Horanteedi ayuu Macallin ka noqday gobolka Jubbada dhexe. In yar kadibna Wuxuu ka mid noqday ciyaartooydii kooxda Warshadda hilibka ee Jubbada hoose. Isla sannadkaasi wuxuu ka qeygalay ciyaarihii gobolada ee lagu qabtay Baydhabo. Isagoo u ciyaaray gobolka Jubbada dhexe.

1977 Wuxuu ku soo noqday magaalada Muqdisho, kuna biiray kooxda junyarka (Seria B) ee Wagad oo waagaasi la oran jiray FIAT. Yaxya sannadkaasi wuxuu noqday ciyaartooygii ugu gol dhallinta badnaa. Taasi oo u surtagelisay in loo doorto Xulka Qaranka Junyarka isagoon u safan kooxda heerka kowaad (Seria A).

1978 Wuxuu ka mid noqday kooxda Wagad heerka kowaad (Seria A).
Sannadkaasi horanteedi mar ay wada ciyaarayeen Wagad iyo Hoorseed ayuu ku dhaawacmay muddo sannad ahna ma ciyaarin.

1980 Ayuu ku soo laabtay ciyaaraha, waxaana loo magacaabay Xulka Qaranka heerka kowaad.

1982 Wuxuu noqday ciyaartooygii ugu gol dhallinta badnaa horyaalkaasi.Kooxdiisa Wagadna waxey ku guuleysatay Horyaalkeedi ugu horeeyey.

1985 Yaxya iyo kooxdiisa mar labaad ayey ku guuleysteen horyaalka.

Waddami uu ku soo ciyaaray waxaa ka mid ah: Niger, Tanzania, Sudan iyo Saudi Arabia.

Muddadii uu ciyarah ku jirary Yaxya ciyaarihii uu aadka u xasuusto waxaa ka mid ah: tii dhexmartay Horseed iyo Wagad oo ay ku badiyeen 2 - 1. iyo tii ay Waxool kaga adkadeen 6 - 0 sannankii 1982 halkaasina ay ku qateen horyaalka .
Ciyaartii uusan marnaba jecleen in uu soo xusuusto waa tii ay wada ciyareen iyaga iyo Hoorseed sannadkii 1978, ciyaartaasi uu jilibka kaga dhaawacmay.

Difaacii ugu adkaa ee soo maray wuxuu ahaa: Ibrahaim Shaah Iyo Scott.
Golheeyihii ugu adkaa: George(Badda)

Ciyaartooydii uu jeclaa iney la ciyaraan waxaa ka mid ah:
Kooxda Wagad: Salahaddin(Bajaabir), Jimcale Mohamud Xayow, Bashi Abshir Dhowre(Marxuun), Sufi Yare(Marxuun), Nurani, Geney Gaajo.
Kooxda Qaranka: Abdalla Quuq, Yuusuf Shaqaaq, Nur Amiin, Sharkey, Shaash, muhiddin Cambar Khamiis iyo Enow.

Hobbies: Yaxya wuxuu jecel yahay in uu daawado filimada iyo in uu la joogo asxaabtiisa.

1986 Ayuu ciyaarah ka fariistay kadib markii uu ka qeybgalay ciyaarihii horyaalada Kooxaha Africa.

Yaxya wuxuu guursaday sannadkii 1981 . Wuxuu leeyahay Xaas iyo 6 caruur : 4 gabdho iyo 2 wiil. hadder wuxuu degan yahay Toronto, Canada.


By Busuri.