TAARIKHDII
SPORTIGA EE IBRAHM SUDANI:
Ibrahim Sudani oo la sawiran kooxda
Xooga sannadkii 1969
cayaartooyga kowaad kuwa taagan lag bilaabo midigta.
Ibrahim Maxamed Xersi oo bahda isboortiga
ay ugu yeeraan Ibrahim Sudani - ayay taariikhdu xusaysaa in
uu ka mid ahaa tababarayaashii ugu qiimaha badnaa ee soo mara
ciyaaraha kubbadda cagta Soomaaliyeed. Kooxdiisa kubbadda
cagta ee Horseed waxey caan ka ahayd Afrika Iyo dalalka Carabta.
Tababare Ibrahim Sudani waxa u ahaa tababare ay aad uga muuqatay
aqoontiisa ciyaaryahannadii uu soo barbariyay ama uu gacanta
ku soo dhigaykuwaasi oo ay ka mid yihiin: Cafiif. Shaash.
Maxamed Ismaciil, Sharke,Aweys Fundi, Cabdilatiiif, iyo qaar
kale oo fara badan.
Ibrahim Sudani wuxuu ahaa tababare aqoontiisu aad u sarreysay
, guulo badanna u horseeday kooxdiisa Horseed iyo xulka qarankaba.
Haddaba waxaa ii surtagashay in aan la kulmo Macallin Ibrahim
Sudani isagoo ka soo qeybgalay tartanka Somali Week 2004 ee
magaalada Toronto, waxaana wax ka weydiiyay taariikh noolaleedkiisa
Sportiga. Taariikhad macallinka oo aan la soo koobi kareyn
ayaan haddana waxaan isku dayey in aan u soo koobo sidan:
Ibrahim Maxamed Xersi (Ibrahim Sudani) wuxuu ku dhashay magaalda
karan ee dalka Eritrea sannadkii 1944. wuxuuna ku soo barbaaray
magaalda Asmara halkaasi ee uu waxbarashadiisa ku soo qaatay.Ibrahim
waxaa la dhalatay 8 Wiil iyo 2 gabdha.
Ibrahim Sudani yaraantii ayuu kubadda cagta aad u jeclaa una
ciyaari jiray.
Sannadkii 1959dii isagoo 15 jir ah ayuu ku biiray koox heerka
seddaxaad (Seria C) ah ee la oran jiray Saxil ee waddanka
Eritrea.
Markii uu 18jirka ahaa ayuu ka qeyb galay tartanka cayaarha
kooxaha heerka 1aad (Seria A) isagoo u saftay kooxda Dogali
ee magaalada Asmara. In muddo ah markii u u ciyaaray kooxdan
Ibrahim wuxuu u wareegay kooxda Electric ee magaalda Adis
Abebe ee dalka Ethiopia. Sannadkii 1963-64 ayaa Ibrahim loo
magacaabay xulka qaranka kubadda cagta dhallinyarada (Junior)
ee Ethiopia.
Sannakii 1964 ayuu Ibrahim Sudani ku soo laabtay magaalada
Asmara isagoo ka mid noqday cayaartooyda kooxdii la oran jiray
Red Sea.
Sannadka markuu ahaa 1967 markii ay rabshaduhu ka dhaceen
Asmara ayuu Ibrahim u soo qaxay waddanka Sudan wuxuuna ku
biiray koox heerka 1aad (Seria A) ah ee la oran jiray At-taka
kana tirsaneyd magaalda Kasala. Sannadkii 1968 ayuu haddana
u soo gudbay kooxda Al Waxda ee magaalda porta Sudan.
Bishii May sannadkii 1969kii ayuu Ibrahim Sudani yimid magaalda
Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Markii uu Ibrahim yimid Muqdisho
ayuu u tagay Maxamed Cali Samatar oo waqtigaasi madax u ahaa
kooxdii la oran jiray Xooga, isagoo u sheegay in uu jeclaan
lahaa inuu ka mid noqdo kooxdan .
Samatar wuxuu Ibrahim u sheegay in uu aado halka ay tababrka
ku qaataan kooxda xooga. Ibrahim arrintaasi wuu ka carooday
waayo wuxuu jeclaan lahaa in la geeyo halka kooxda ay tababarka
ku qaadanayaa, lana baro kooxda ee ma jecleysan in uu isaga
iskiisa u aado. Intaa ka dib Ibraahim wuxuu go’aansaday
inuu tababar la qaato kooxda Booliska oo ay waqtigaasi ciyaartooydii
u ciyaari jireentay ay ka midka ahayeen Saciid Ducaale, Scott,
Killer, Kabey,Saciid Ismaciil,Conka,Xuuti, Jeylani Khaliif
iyo Cabdi Kuus.
Maalin isagoo magaalada maraya ayey is arkeen Axmed Yare oo
ay Ethiopia ku wada ciyaari jireen markii ay is wareesteen
ayuu Ibrahim u sheegay in uu hadder tababar la qaato kooxda
Booliska. Axmed Yare wuxuu arrintan u sheegay Ismaciil Gariile
oo ka tirsanaa kooxda Xooga. Gariile ayaa markiiba soo raadiyey
Ibrahim Sudani wuxuuna u geeyey Maxamed Cali Samatar uuna
sheegay in Ibrahim ay wada ciyaari jireen yahayna cayaartooy
aad u waanagsan. Samatar ayaa ka raali geliyey Ibrahim arrinta
dhacday wuxuuna ka codsaday in uu ka mid noqdo kooxda xooga,
Ibrahimna wuu ogolaaday. Ciyaartii ugu horeysay ee uu Ibrahim
u safto kooxda Xooga waxey ahayd ciyaartii dhex martay kooxda
Xooga iyo kooxda ka socota waddanka Sudan ee la oran jiray
Buri.
Qeybta
2aad.
Qeybyta 3aad