TAARIKHDII
SPORTIGA EE IBRAHM SUDANI:
Ibrahim Sudani oo la sawiran kooxda
Read Sea sannadkii 1964
cayaartooyga kowaad kuwa taagan lag bilaabo midigta.
Kooxah Xooga iyo Booliska Oo Noqday Bakaal iyo Dirir
Ibrahim Sudani guushii ugu horeeysay ee uu kooxda xooga la
qeybsado waxey ahayd koobkii la oran jiray SUZU.
Sannakii 1969kii markii uu curtay Kacaanka ayaa cayaartooydii
u ciyaari jirtay kooxda Xooga iyo kuwii Booliska leesku daray,waxaana
loo qeybiyey kooxaha 21October iyo Independence, iyadoo lagu
beddelay kooxaha Xooga iyo Booliska. In muddo ah kadibna kooxaha
21 October iyo Independence waxaa laga beddelay magaca iyadoo
loo bixiyey Dirir ee uu tababare u ahaa Ibrahim Waaberi iyo
Bakaal ee uu ka tirsanaa IbrahimSudani tababarena u noqday
Cabdixamiid.
Xulka Qaranka
Isla sannadkii 1969 ayaa Ibrahim Sudani loo magacaabay xulka
kubadda cagta Soomaaliyedd. Xulkaasi waxaa tababare u ahaa
tababare Talyaani ah oo la oran jiray Sergio Del Pinto. Cayaartooydi
loo xulay xulkani waxaa ka mid ahaa: Jeylaani Khaliif, Iskoot
(Scott), Axmed Negro, Coonka, Ibrahim Sudani, Killer, Saciid
Ismaciil, Gariile, Caamir, Xussein Du’caale, Galaal,
Maxuumed C.Jamac (halka Saciid Du’caale uu ku maqnaa
fasax).
Aas-aaskii Kooxda Horseed
Sannadkii 1970kii ayaa la aas’aasay kooxda Horseed
oo ka koobneyd cayaartooydii kooxda Bakaal iyo kuwa Dirir.
Tababareyashii ugu horeeyey ee kooxdan waxey ahayeen Cabdixamiid
iyo Ibraahim Waaberi. Haddaba cayaartooydii lagu aas-aasat
kooxda waxaa ka mid ahaa Ibrahim Sudani, Saciid Du’caale,
Ismaciil Garile, Skoot(Scott) Jeylaani Khaliif, Coonka, Xuuti,
kabey, Xassan Bani, Cusmaney, Caamir, Cabdallini, Axmed Yare,
Saleymaan Qambi, Saciid Ismaciil, Killer, Khalifani, Saciid
Sunkar, Cabdi Kuus iyo qaar kale.
Guulahii Kooxda Horseed Intuu Cayaartooyga
ahaa
Ibrahim Sudani intii uu ka tirsanaa cayaatooyda kooxda Horseed
wuxuu ku guuleystay 2 horyaal sannadihii 1971-72 iyo 1972-73
iyo weliba koobkii Jeneraal Da’uud. Waqtigaasi waxaa
Horseed tababare u ahaa Cali Muxsin. Ibrahim wuxuu kaloo seddax
jeer oo isku xigta ku guulestay koobkii ciidamada ee Bariga
iyo Bartamaha Africa sannadihii 1970, 1971 iyo 1972 . Tartamadaasi
oo lagu kala qabtay dalalka Tanzania, Zambia iyo Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in tartankan ay ka soo qeybgaleen kooxaha
ciidamada ee ciyaarha kubadda cagta, kolleyga iyo kubadda
laaliska iyadoo intaba ay kooxda Horseed ku wada kuuleysatay.
Ibrahim wuxuu kooxda Horseed iyo xulka qarankaba ka tirsanaa
ilaa iyo sannadkii
1974ka. Bishii maarso 1974tii ayuu Ibrahim cayaaraha ka fariistay.
Waddamadii uu tababarka ku soo qaatay
1974 Jarmalka Bari. Bishii April 1974tii ayaa isaga iyo Kabey
ay tababar u adeen Skuulka caanka ku ah cayaarta kubadda cagta
ee la yiraahdoGerman College for Physical Culture ee ku yaala
magaalada lipzig ee waddanka Jarmalka Bari. . Tababrkan oo
socday muddo 8 bilood ah waxaa ka soo qeybgalay 60 Macallimiin
oo ka kala yimid 24 waddan . Intii uu socday tababarkan Ibrahim
waxaa loo magacaabay kaptanka kooxda macallimiinta.
Imtixaankii tababrkan Ibrahim wuxuu ku guuleestay kaalinta
1aad. Xafladii xeritaanka tababarkanna waxaa laga codsaday
in uu halkaasi qudbad ka soo jeediyo, islamrkaana uu bixiyo
qaar ka mid ah abaalmarinadii. Markii uu Ibrahim ku soo laabtay
Soomaaliya waxaa xaflad aad u weyn u sameesay safaaradda Jarmalka
ee Muqdisho, oo halkaasi ku martiqaaday guddiga kooxda horseed
iyo wasaaradda sportiga. Waxaa la yaab leh in wasaaradda Sportiga
aaney xitaa weydiinin un uu tuso shahaadadii uu soo qaatay
iskaba daa in ay xaflad u dhigaan.
1977 Tunisia.Waddanak
Tunisia ayaa Sannadkii 1977 lagu qabtay tababar loo furay
macallimiinta iyo garsooreyaasha ciyaaraha kubadda cagta ee
waddamada Carabta. Tababarkan ayaa waddanka Soomaaliya waxaa
ugu qeybgalay Ibarahim Sudani iyo Madadaale(Garsoore).
1978 Jarmalka Galbeed. Sannadkii
1978 ayuu hadana ka qeybgalay tababar lagu qabtay waddanka
Jarmalka Galbeed isagoo ka soo qaatay Shahaadada heerka 1aad
ee waddanka Jarmalka Tababarkann waxaa Ibraahim ku wehliyey
Cumar Canjeeste.
1992 Masar.Tababar loogu magac
daray ALIT Course ee loogu talagalay tababareyaasha xulalka
qaranka ee waddamada Africa ayaa lagu qabtay magaalda Cairo
ee waddanka Masar sannadkii 1992 iyadoo ay Soomaaliya ugu
qeybgaleen Ibraahim iyo Cabdi Budiste.
La Soco Qeybta 3aad
Qeybta
1aad.
Qeybta 3aad